Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Iiraan Oo Si Deg-Deg Ah Isu Casilay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Iiraan Mohammad Javad Zarif Ayaa Sheegay In Uu Is Casilayo, Ku Dhawaaqitaankaas Layaabka Leh Ayuuna Ku Baahiyay Ciwaankiisa Instagram-Ka.

Wuxuu Ka Cudurdaartay Shaqo Ka Fariisashadiisa,Zarif Ayaa Door Muhiim Ah Ka Ciyaaray Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Nukliyeerka Ee Sannadkii 2015kii, Kaas Oo Dhex Maray Iiraan Iyo Quwadaha Caalamiga Ah.

Balse Mustaqbalka Heshiiska Ayaa Shaki Galay Ka Dib Markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Uu Joojiyay Ku Lug Lahaan Shihii Heshiiskaas.

Xil Ka Tagista Zarif Waxaa Xaqiijisay Wakaaladda Wararka IRNA Oo Dawladdu Leedahay, Taas Oo Soo Xigatay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

59 Jirkan Ayaa Wax Ku Soo Bartay Maraykanka Wuxuuna Shahaadada Jaamacadda Ugu Sarraysa Ee PHD Ka Haystaa Shuruucda Caalamiga Ah Oo Uu Ka Qaatay Jaamacadda Denver.

Wuxuu Horray U Soo Noqday Dan Jirihii Iiraan U Fadhiyay Qaramada Midoobay, Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Dibadda Noqday Sannadkii 2013, Ka Dib Markii Xilka Madaxweynenimada Loo Doortay Madaxweyne Xasan Rawxaani, Kaas Oo Ballan Qaaday In Uu Dad Qunyar Socod Ah Talada Ku Soo Biirin Doono.

Xigasho BBC Somalia

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *