Buhari Oo Mar Kale Ku Guulaystay Madaxweynaha dalka Nigeria

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari Ayaa Ku Guuleystay Doorashadi Sabtidi Ka Dhacday Dalkaasi, Isaga Oo Nigeria Maamuli Doono Afarta Sano Ee Soo Socota.

Kaddib Marki Lasoo Gaba Gabeeyay Talaadadi Tirinta Codadka Marka Laga Reebo Hal Gobol, Ayay Guddiga Doorashada Sheegeen In Mohammadu Buhari Uu Aad Ugu Horreeyo Ninka La Tartamayay Oo Ah Madaxweyne Ku Xigeenki Hore Ee Dalkaasi Atiku Abubakar.

Buhari Ayaa Lagu Waday Inuu Taageerayaasha La Hadlo, Hasse Ahaatee Hadal Uu Ku Qoray Barta Twitterka Ayuu Ku Sheegay Inuu Aad Ugu Faraxsanyahay Shaqada Uu Qabtay.

Xisbiga Ugu Weyn Mucaaradka People’s Democratic Party Ayaa Ka  Dalbaday Guddiga Doorashada Inuu Hakiyo Tirinta Codadka, Isaga Oo Ku  Andacooday In Mashiinada La Marsiiyo Kaararka Codadka La Baddalay

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *