4 dibloomaasiyiin ah oo shil ku dhaawacmay

Waxaa weli isbitaalka weyn ee ismaamulka Machakos lagu daaweynayaa afar dibloomaasi oo ay shalay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii ay shil galeen.
Shilka ayaa ka dhacay buundada loo yaqaano Lukenya ee ku taalla wadada weyn ee isku xirta magalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Safiiradan ayaa kala ah danjiraha Zambia ee Kenya Ms Brenda Mudenda, dhigeeda Botswana, Duke Lephoko, Joseph Guttu, iyo Mr Kama Wasa Kaluwe oo labaduba ah dibloomaasiyiin u dhashay Zambia.
Mas’uuliyiintan ayay dhaawacyo culus soo gaareen kaddib markii ay isku dhaceen baabuur dhowr ah.
Warbixin ka soo baxday saldhigga booliska ee degmada Kyumbi ayaa lagu sheegay in shilku uu dhacay 5-tii galabnimo .
Sarakiishan ayaa ku soo wajahnaa magaaladatani Nairobi kaddib shir ay ku yeesheen maqaaxida Maanzoni oo ku taalla ismaamulka Machakos

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *