Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Culus Ka Fuliyey Degaanka Ceel-Cadde Oo Katirsan Gobolka Gedo

Duqaymaha Ay Fuliyeen Diyaarahan Ayaa Waxa La Sheegay Inay La Beegsadeen Gaadiid Gaaraya Ilaa 3 Kuwaas Oo Ay Saarnaayeen Xubno Ka Tirsan Alshabaab Sida Ay Warbaahinta  U Xaqiijyeen Saraakiisha Amniga

Waxa Ay Saraakiishu Noo Sheegeen In Ay Ku Dhinteen 13 Katirsan Alshabaab Kuwaas Oo Ku Wajahnaa Degaanka Buusaar Oo Katirsan Gobolka Gedo Iyagoo Ka Soo Baqoolay Degaanka Ceelcadde

Wararka Ayaa Intaasi Waxa Ay Ku Darayaan In Sarkaal Katirsan Alshabaab Oo Una Qaabilsanaa Gobolka Gedo Uu Dhaawac Kasoo Gaaray .

Sidoo Kale Waxaa Jirta In Alshabaab Aysan Wali Wax War Ah Kasoo Saarin Ee La Xiriira  Duqaymaha Ay Fuliyeen Diyaaradahan Dagaal.

Inta Badan Diyaaraha Dagaal Oo Inta Badan Laga Leeyahay Dalka Maraykanka Ayaa Waxa Ay Duqaymo Ka Gaystaan Qaybo Kamid Ah Gobolada Dalka Ee Ay Ku Sugan Yihiin Alshabaab.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *