20 ka tirsan ciidamada Hindiya oo lagu dilay Gobolka Kashmiir

20 askari oo ka tirsanaa militiriga wadanka Hindiya ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gobolka muslimiimta ee Kashmir halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan lagu dilay ciidamada Hindiya ayaa noqonaya kii ugu xuma muddo 3 sano kadib lagu dilo ciidamo ka tirsan Hindiya.
Agaasimaha guud ee ciidanka booliska ee u tababaran sida milatariga Rajeev Rai Bhatanagar ayaa u sheegay wakaalada wararka ee INA in ciidanka kolonyada qaraxa lala beegsaday ay tiradooda aheyd 2,500 oo ciidamo ah.
Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa soo warisay in in ka badan 20 shaqaale ah ay ku dhaawacmeen qaraxaas.
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters Mas’uuliyada weerarkaas waxaa sheegtay kooxda Jaish-e-Mohammad ee loo soo gaabiyo (JeM)

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *