Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka UK

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

Safarka maanta uu ugu ambabaxay dalka Ingiriiska Raiisul Wasaare Ku xigeenka Somaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu si rasmi ah u furmaayo Shirka arrimaha Shidaalka Somaliya looga hadlaayo, kaasi oo London ka furmaya.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *