Kenya:Wasiirka maaliyadda oo ku baaqay inaan la siyaasadeynin tirakoobka qaran

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dalka Mr. Henry Rotich ayaa madaxda la soo doortay iyo kuwa la soo magacaabay ku booriyay inaynan siyaasadeynin tirakoobka qaran ee la qaban doono.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hadalada ay jeedinayaan qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee wadanka ay caqabad ku noqon karaan howshan oo uu qorshuhu yahay in la qabto 24-ka iyo 25-ka bisha sideedaad ee sannadkan.

Mr. Rotich ayaa ku taliyay in hadii ay jirto cid wax ka tabaneyso tirakoobka qaran laga doonayo inay sugto inta laga soo afjarayo kadibna cabashadeeda ay gudbiso.

ido kale wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in qarashaadka dowladda arrinkan uga baxayo uunan ahayn mid ka badan dhaqaalaha ay wadamada kale ku maareyaan.
Mr. Rotich ayaa shaaca ka qaaday in tirakoobka qaran ee sannadkan lagu qarash gelin doono 18.5 bilyan oo shilin.

Dowladda ayaa si gaar ah diiradda u saareyso inay qaab dijitaal ah ku aruuriso sido kalena loogu keydiyo macluumaadka ku saabsan beeraha iyo dakhliga soo galo qoysaska kala duwan.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *