200 oo tahriibayaal ah oo sannadkan ku dhintay badda Mediterranean-ka

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in sannadkan ay 200 oo qof oo muhaajiriin ah ay dhinteen xilli ay isku dayayeen inay gudbaan badda Mediterranean-ka.
Sabtidii ayay ahayd markii laba doomood ay ku dageen badda halkaasi oo ay ku dhinteen 117 qof.
IOM ayaa sido kale sheegtay in sannadkii hore ee 2018-kii la rumeysanyahay inay dhinteen ama la waayay 2,297 qof oo tahriibayaal ah halka 116,959 kalena ay gaareen qaaradda Yurub.
Hay’addan ayaa hoosta ka xariiqday in 16-kii maalmood ee ugu horreysay sannadkan ,4,216 qof ay gaareen dalalka Yurub marka loo barbardhigo 2,365 oo halkaasi tagay sannadkii hore.
Warbixintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowladda Talyaaniga lagu dhaliilay inay Liibiya dib ugu soo celisay 393 qof oo la soo samatabixiyay.
Bishii toddobaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii 193 wadan oo xubno ka ah qaramada midoobay ay isku raceen inay iska kaashadaan arrimaha socdaalka.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *