Madaxweynaha Hirshabeele oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad abaabulayo dagaalo beeleedyada

Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag wuxuu uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo shabeelada dhexe.
Madaxweyne Waare oo magaalada Jowhar warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan,isla markaana aan loo baahneyn in xilligaan dadka walaalaha ah ee isku deegaanka ah ay dagaal iyo qalalaaso soo kala dhex galaan.
Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dagaal beeleedyada xilligaan ka jira deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle ay hurinayaan,isla markaana ay taageero weyn ka geysanayaan Siyaasiyiin,oday dhaqameed Masulliyiin iyo Ganacsato.
Wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka uu sheegay inay abaabulayaan dagaaladaas isagoo Tilmaamay inay cawaaqib xun kala kulmi doonaaan hadii aysan faraha kala bixin dhibkaas ay hurinayaan.
Deegaano ka tirsan gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa wali waxaa ka taagan dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad isku deegaanka waxaana dhowr mar ooh ore u soo baxayay baaqyo ay jeedinayaan masuuliyiinta gobolka iyo madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya taasoo ku aadan in si deg deg ah colaadahaas loo soo afjaro.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *