Kenya: Madaxweynaha oo la kulmaya taliyaasha sar sare ee booliska

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta lagu wadaa inuu ismaamulka Mombasa kulan kula qaato taliyaasha booliska ee maamul goboleedyada.
Sannadkii hore ayay ahayd markii la isku daray booliska caadiga ah iyo kuwa maamulka qaabilsan ee AP-da.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo booliska ay digniin soo saareen sido kalena soo bandhigeen sawirrada 8 qof oo lala xariirinayo weerarkii maalmo ka hor ka dhacay Nairobi.

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dadweynaha ku wargeliyay inay la soo xariiraan sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay arkaan Didu Maxamad Fugicha, Boru cabdi Bidu, Ramadhan Wario Bonaya, Cabdi cali Kachora, Gaddafi Aka Munene, Omari iyo Xussein Addan Xussein.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *