Trump oo hakiyay safar ay Nancy Pelosi dibadda ku tegi laheyd khilaafka taagan awgii

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay safar ay gudoomiyaha aqalka Kongarees-ka maalmaha soo socda ku tegi lahayd magaalada Brussels iyo dalalka Afgaanistaan iyo Masar, waxaa uuna go’aankaasi sabab uga dhigay hakinta ku timid qayba ka mid ah adeegyadda dowladda.

“Waxaan hubaa in dib u dhigista xafladan xiriirka dadweynaha ah ay tahay mid munaasab ah” Madaxweyne Trump ayaa sidaasi ku sheegay warqad uu qoray.

Mrs Pelosi ayaa ugu baaqday Madaxweyne Trump habeenkii Arbacadda in uu dib u dhigo khudbadda sanadlaha ah ee dadweynaha Maraykanka uu u jeediyo marka la fiiriyo ismari waaga siyaasadeed.

Tallaabadan uu Madaxweyne Trump qaaday ayaa ku soo aadaysa maaliinkii 27-aad oo qaar ka mid ah adeegyadda dowladda ay xiran yihiin.

Madaxweynahan ka tirsan xisbiga Jamhuurigga ayaa doonaya in aqalka Kongareeska uu meelmariyoo $5.7bn oo doolar oo ah dhaqaale lagu dhiso darbi dhexmara xadka Mareykanka iyo Mexico, hasayeeshee waxaa arrintaasi diiday Dimuqraadiyiinta.

XIGASHO: Hiiraan Online

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *