
Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in aysan wax heshiis ah geli karin Wasiirada xilka sii haya ee xukuumadii C/wali Gaas.
Deni ayaa sidoo kale wasiiradan ku amray in aysan cidna xil u magacaabi karin, sidaas si lamid ahna aynan dalacsiin karin shaqaalaha kala duwan ee maamulka Puntland.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa kaloo lagu hakiyay heshiisyada xukuumadii hore ay kula jirtay Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya, si looga fogaado wax is-daba marin.
Amaradan cusub ee maanta uu soo saaray Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa waxaa ka horeeyay amaro dhawr ah oo iyana u muuqday in lagaga fogaanayo musuq iyo wax is-dabamarin.