Koonfur Galbeed oo sheegtay inay awood ku soo furaneyso dad la afduubtay

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay xoog ku soo furan doonaan ku dhawaad 100 qof oo Al Shabaab ay ka afduubteen degaano hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa sheegay in dadkan la afduubtay saacaddihii la soo dhaafay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ay Al Shabaab ugu yeeraan Zakawaad.

Waxa uu sheegay in Shabaab ay horay dadka u afduuban jireen tilaabadda hadda ay qaadeena ay tahay mid ka weyn kuwii hore ee ay sameyn jireen.

Dadka la afduubtay ayuu sheegay Wasiirka in Shabaab qaarkood ay ku eedeeyeen in ay yihiin Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

XIGASHO: Dhacdo

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *