Dad badan oo loo xiray weerarkii lagu qaaday Dusit D2 ee Nairobi

Waaxda dembi baarista ee DCI-da oo guda gashay baaritaano ku aaddan weerarkii 15-kii bishan lagu qaaday dhismaha Dusit ee magaaladatani Nairobi ayaa loo xiray 9 qof kadib markii ay ciidamada baaritaano xoogan ka sameeyeen ismamulada Nairobi,Nyeri iyo Mombasa.
Laamaha ammaanka ayaa wali raadinayaa dad kale oo lala xariirinayo weerarkii ay ku dhinteen 21-ka qof .
Waxaa la helay meydad hor leh oo gaarayaa ila iyo lix qof.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqeerta cas Kenya Cabaas Guuleed ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay ilaa iyo 94 kiis oo ah dad la waayay dhacdadaasi kadib balse hadda la aqoonsaday dadkii la waayay qaarkooda kadib warsaxaafadeed galabta ka soo baxday hay’adda laanqeyrta cas ee dalka
Dhanka kale hoggaamiyaasha muslimiinta ee golaha SUPKEM iyo dalllada NAMLEF ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka waxayna sheegeen inuuna ahayn mid ka turjumaya diinta islaamka.
Waxay ku baaqeen in weerarkaasi wuxushnimada ah uunan kenyaanka u horseedin kala qeybsanaan diimeed

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *