Madaxweynaha cusub ee Puntland oo digniin u diray Somaliland

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhuleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.
Waxaa uu sheegay in uu Somaliland uu kaga digaayo in ay sii joogto degaanada ay Puntland sheeganayso.
Madaxweynaha  ayaa sheegay in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland.

Dhinaca kale madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaal ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku uunan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *