Liiska Murashixiinta Madaxweynaha Puntland

Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa  shaaciyay Liiska rasmiga ah ee Musharixiinta u tartameysa Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland.

Illaa 21 musharax ayaa u tartami doonto xilka Madaxweynaha Putnland halka ay 11 kalana u tartamayaan xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Puntland.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 8-Bishan oo ku beegan Talaadada soo socda waxaana lagu wadaa in Berri oo ah 7da Bisha Janaayo ay xildhibaanada Puntland dhagaystaan qudbadaha Musharaxiinta.

 

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *