Labo Ruux oo Xukun Dil Ah lagu Fuliyay Soomaaliya

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida Ayaa Saakay Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Labo Ka Atirsana Al-shabaab,Kuwaasi Oo Horey U Dilay Nabadoon Caan Ka Ahaa Magaalada Muqdisho.

Waxaa Lagu Eedeeyey C/Araxmaan Ciise Cali Iyo Xasan Cali Xasan In Ay Horey Degmada Wadajir Ugu Dileen Hilowle Xeefow Xuseen,Oo Kamid Ahaa Nabadoona Caanka Ahaa Ee Degmadaasi Ku Dhaqan.

Horey Ayaa Waxaa Ay Maxakamaddu Ugu Ridday Labadan Qof Xukun Dil Toogasho Ah,Waxaana Maanta Oo Taariikhdu Ay Tahay 7/Febraayo/2019 Lagu Fuliyay Xukunkii Dilka Ahaa Ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida Ay Horey Ugu Xukuntay.

 

Goobta Xukunka Oo Toogashada Ay Ka Dhacaysay Waxaa Ku Sugnaa Mas’uuliyiin Iyo Saraakiil Ka Tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed,Kuwaasi Oo Sheegay In Maxakamaddu Ay Heshey Cadeymo Muujinaya In Ay Gacan Ku Dhiiglayaal Ahaayeen Sidasi Darteedna Loogu Fuliyay Dilka.

Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Baryihii Ugu Dambeeysay Xukuno Dil Ah Ku Fulineeysay Dad Horay Dil U Geeystay.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *