Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Sheegay In Ciidankiisa Aysan Ka Baxayn Somaaliya

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta Ayaa Sheegay In Ciidanka Difaaca Kenya Aysan Marna Ka Baxayn Soomaaliya Inta Ay Soomaaliya Nabad Ka Noqoneyso.

Mr Kenyatta Oo Ka Hadlayay Munaasibad Uu Tababar Ugu Soo Xiryayay Ciidanka Ka Tirsan Kdf Oo Saddex Sano Tababar Qaadanayay Ayaa Sheegay In Dagaalka Al-Shabaab Uu Sii Soconayo Inta Ay Amaan Ka Helayaan Dalalka Soomaaliya Ku Xeeran.

Waxaa Uu Sheegay In  Kenya Ay Waqti Iyo Maalbadan Ku Bixisay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabab Ujeedadana Tahay In Amaanka Kenya Iyo Midka Waddamada Gobolka Uu Sugmo.

Ciidamada Ayuu Ugu Baaqay In Ay Si Wanaagsan U Gutaan Waajibaadka Loo Tababaray,Waxaana Uu Sheegay In Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Ay Tahay In Ay Dhowraan Aadaabka Ciidanka Iyo Dhaqanka Degaannada Ay Ka Howlgalayaan.

Ciidanka Kenya Ayaa Soomaaliya Soo Galaya Sanadkii 2011kii,Waxaana Soomaaliya Ka Jooga Askar Ka Badan 6,000 Oo Askari,Kuwaas Oo Qaarkood Ay Ku Howlgalaan Magaca Amisom Halka Kuwo Kalena Ay Si Iskood Ah U Joogaan Gudaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *