Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaaliya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddooyinkan ugu maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Soo dhoweyntan ayaa waxaa ka muuqatay dhoolatus iyo loolan u dhaxeeyay Xildhibaanada labada dhinac ee Baarlamaanka, kuwa taageersan Xukuumadda iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaana laga dareemayay in labada dhinacba raadinayaan kalsoonida Guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay in marka uu ku laabto Muqdisho uu ka hadli doono waxa xeer hoosaadka ka qabo kala diridii muranka badan dhalisay ee Guddoomiye kuxigeenka 1aad ku sameeyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Mr Mursal ayaa heysata labo daran mid dooro go’aanka uu qaato waxay ku xiran tahay awooddiisa siyaasadeed halka ay aado, inkastoo haatan la sheegayo in aanu ku qanacsaneyn tallaabadii lagu kala diray Guddiga Maaliyadda, hadana go’aan walba uu qaato wuxuu kala kulmi doonaa caqabad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *