Soomaaliya oo la wareegaysa hogaanka ururka Jaamacada Carabta

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu waddaa in uu qabto Shir looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya,kaasoo diiradda lagu saarayo Xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dagaallo Sokeeye.
Wasiiru dowladdaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan la qaban doono Bisha soo socota December, islamarkaana diiradda lagu saari doono Arrimaha Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Jaamacadda Carabta ay sameyn doonta yabooh ku aadan horumarinta waxbarashadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay dhawaan la wareegi doonto Hoggaanka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda ,islamarkaana hoggaanka ay heyn doonto Muddo dhan 6 Bilood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *