22 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Shiinaha

22 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qarax ka dhacay meel u dhow warshad soo saarta noocyada kala duwan ee kiimikada oo ku taallo waqooyiga gobolka Hebei ee Shiinaha.
Dhacdadan oo la soo tabiyay aroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa sido kale ku dhaawacmay ugu yaraan 22 qof oo kale.
Muuqaalo iyo sawiro la soo duubay ayaa muujinaya qiiq cirka isku sii shareeraya iyo qiyaastii 50 baabuur ah oo uu dab ka kacay.
Wakaalada wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa qortay in ugu dambeyn ciidamada ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka ka dhashay qaraxa.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii 165 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay xarun kiimikada lagu keydiyo oo ku taallo magaalo xeebeedka Tianjin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *