Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafdi Ka Socda Midowga Afrika Oo Maanta Ku Wajahan Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Wafdi  Ka Socda Golaha Amniga  Iyo Nabada Ee Midowga Afrika Ayaa Maanta  Waxaa La Filayaa Inuu Gaaro  Magaalada Beledweyn Ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga  Waxaa Hogaaminaya Safiirka Dowlada Jabuuti U Fadhiya Itoobiya Mohamed Idris, Waxaa Ayna Ka Koobnaayeen 27 Xubnood.

Madaxdan Ayaa Soomaaliya U Yimid  Sidii Ay U Qiimeyn Lahaayeen Xaalada Amniga Iyo Siyaasada Dalka.

Wararka Ayaa Sheegaya In Maanta Lagu Wado In Wafdiga Ay Beledweyn Kula Kulmaan Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Hirshabelle Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *