Agaasimaha dacwad soo oogidda Kenya oo amray in la baaro dhacdooyinka gabdhaha uureysta

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa soo saaray amar ah in baaritaano qota dheer lagu sameeyo dhacdooyinka sara u sii kacay ee gabdhaha da’yarta ah lagu uureeyay.
Qaar ka mid ah gabdhahan ayaa imtixaanada qaran sameeyay iyagoo uur leh halka kuwo kalena ay isbitaalada ku umuleen.
Ismaamulka Kilifi ayaa laga soo tabiyay in muddo hal sano gudaheed ah ay xamli noqdeen in ka badan 13 kun oo gabdhood.
Nuurdiin Xaaji ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaadayo shakhsiyaadka lala xariiriyo falalkaasi kadib marka waaxda dembi baarista ee DCI-da ay baaritaanada soo gabagabeyso.
Arrintan ayaa hadal hayn ballaaran ka abuurtay guu dhaan dalka iyadoo wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ay ku tilmaantay wax laga xumaado dowladana ay soo bandhigi doonto xeerar lagula tacaalayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *