Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ka hadlay arrimaha gaadiidka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Mr. Willaim Ruto oo ka hadlay shuruucda gaadiidka ayaa hoosta ka xariiqay inaan loo baahnayn in dhaqangelinteeda lagu bartilmaameedsado cid gaar ah.
Saraakiisha booliska gaar ahaan kuwa qaabillsan kala hagidda baabuurta ee Taraafikada ayuu ku booriyay inaysan dhibaateynin wadayaasha mootooyinka.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu ka jawaabayay cabasho ka soo yeertay qaar ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda oo sheegay in boolisku ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan

12-kii bishan ayaa waxaa guud ahaan wadanka ka dhaqangalay shuruuc uu soo saaray wasiirkii hore ee wasaaradda gaadiidka Mr. John Michuki taasi oo la doonayo in lagu xakameeyo shilalka laga soo tabiyo qeybaha kala duwan ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *