Dowladda Kenya oo gudi u saareyso inuu baaritaan ku sameeyo sababta ay mcalimiinta u dhacaan

Wasaarada waxbarashada dalka ayaa soo saartay koox baaritaan ku sameeyso sababat keentay in arday barta xirfada macalinimada ee dugsiga hoose dhexe ay shanti sano ee u dambeysay ay imtixaanka qaran uga dhacayeen.
Wasiirada wasaarada waxbarashada dalka Amina Mohamed ayaa sheegtay koox ka socota xafiiska agaasimaha xaqiijinta tayada ay fiirin doonaan sababat ay u dhacaan, tasoo ay ku tilmaamtay mid lala yaabo.
Wxaa ay carabka ku dhufatay inaysan garaneynin waxa ku dhacay kolejyada bixiya xirfada macalinimada, balse ay sugayaan warbixin dhameystiran si ay u ogadaan mesha ay ciladu ka jirta.
Gudoomiyaha gudiga Knec Prof George Magoha ayaa sheegay sababata sanadkasta ay ardayda barta xirfada macalinimada u dhacaan ay tahay inaysan aqrisanin casharadooda.
Wuxuu intaa ku daray in gudiga qaran ee imtixaanda dalka ay ardayda u keenaan casharada loo aqriyay.
Sanadkan 10,457 oo xirfada macalinimada baranaayay ayaa imtixaanka ka dhaceen iyaga oo sanadka kale dib ugu noqondoona imtixaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *