Darasaad lagu sheegay in haweenka ay khatarada ugu badan kala kulmaan guriyaha

Qaramada midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in meesha ugu khatarta badan ee haweenka lagu dhibaateeyo ay tahay guriga.
In ka badan kala bar tirada haweenka ee la dilay sannadkii hore waxaa ka takhalusay dad uu xariir kala dhexeyay ama ka mid ahaa xubnaha qoysaskooda.
Arrintan ayaa shaaca laga qaaday xili shalay dunida looga dabaaldegayay maalinka adduunka ee ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.
Xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan diiwaangelinta falal dambiyeedyada iyo arrimaha daroogada ayaa sheegay in sannadkii 2017-kii la soo tabiyay 87,000 kiis oo ah haween la dilay.
50,000 ka mid ah tiradan oo u dhiganta boqolkiba 58 waxaa geystay dad uu xariir hoose kala dhexeyay dhibanayaasha ama ay isku qoys ahayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *