Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ay Saakay Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Dileen Wadaad Caan Ka Ahaa Magaalada Gaalkacyo

War Ka Soo Baxay Al-Shabaab Ayaa Waxaa Ay Ku Sheegteen Mas’uuliyadda Weerar Qaraxyo Ku Bilowday  Oo Saakay Lagu Weeraray  Xarunta Wadaadka Lagu Magacaabi Jiray  Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi Yare Oo Ku Taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Ee Gobalka Mudug.

Waxa Ay Sheegeen In Al-Shabaab In Ay Dileen Wadaadkii  Lagu Magacaabi Jiray Cabdiweli Oo Si Weyn Ugu  Caan Baxay Koox Dhalinyaro Ah Oo Qaada  Digri, Islamarkaana Qoob Ka Ciyaar Dheela.

Warbaahinta Lagu Faafiyo Wararka Shabaab Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Weerarka Saakay Lagu Dilay 11 Askari Oo Ilaalo U Ahaa Wadaadkii Lagu Magacaabi Jiray  Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi Yare

Xaalada Magaalada Gaalkacyo Ayaa Saakay Waxaa Ay Tahay Mid Aad U Kacsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *