Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Kabul oo 50 gaartay

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Wahid Majroh, ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen qarax shalay ka dhacay magaalada Kabul halka in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa lala beegsaday isku soo bax ay isugu yimadeen culimo sarsare oo loogu dabaaldegayay dhalashada nabi Maxamad naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaate.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Najib Danish ayaa sheegay in nin isa soo miidaamiyay uu halkaasi isku qarxiyay.
Madaxweynaha Afghanistan ,Ashraf Ghani ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi wuxuuna ku dhawaaqay maanta inay tahay maalin la sameynayo baroordiiq qaran waxaana hoos loo dhigaya calanka wadankaasi.
Ilaa iyo hadda ma jirta cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *