Duqaymo mar kale xalay ka dhacay gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya degaanka Maamiye oo u dhaxeeya deegaanada Caad iyo Camaara ee duleedka degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markale xalay diyaarado dagaal ay halkaasi ka fuliyeen duqeyn kala duwan.
dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in markale diyaarad dagaal ay xalay dhowr Madfac ay ku dhufatay saldhig ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi balse wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
19 Bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan la beegsadeen degaanada xalay la duqeeyay, waxayna taliska Mareykanku sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan ururka AL-shabaab.
Bilooyinkii aan soo dhaafnay waxaa la kordhiyay duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee dalka maraykanku ay ka geysanayeen degaanada ay gacanta ku haayaan dagaalameyaasha AL-Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad ku hadli jirta afka shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *