Trump oo Shaqada ka Ceyriyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka

Hoggaamiyaha Maraykanka Donald  J. Trump  ayaa shalay oo  arbaca ahayd  xilkii ka qaaday xeer Ilaaliyihii guud ee  dalkaasi  Jeff Session.

Madaxweyne Trump ayaa  fariin uu soo dhigay Twitarka   ku shaaciyey in  Jeff  Session uu  iskacasilay  xilkiisa.

Waxaa uu sido kale uga  mahadceliyay  shaqadii uu soo qabtay.

Trump ayaa qoraalkaasi  ku sheegay inuu soo magacaabi doono sarkaal xilkaasi si joogta ah  u la wareego.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilay   u diray  Trump  wuxuuna  u sheegay  inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *