Jaamacadaha Kenya oo Looga Digay inay Xarumo Dheeraad ah Furtaan

Wasiiradda wasaaradda  waxbarashada  ee dalka Amina Maxamad  ayaa  maamulada  jaamacadaha dowlada  u soo jeedisay  inay dib u habeyn ku sameyaan  culuunta ay bixiyaan  sido kalena ay ka faaiideystaan kheyraadka loo qoondeeyay.

Ms Maxamad ayaa jaamacadaha uga digtay  in  maalgelin  ay ku sameyaan  xarumo ama laama  dheeraad ah oo la furo.

Tallaabadaasi ayay sheegtay inay gaabad ku keeni karto dhaqaalaha la doonayo  in si buuxda loogu maareeyo  xarumaha  tacliinta sare ee dalka.

Hadalkan ayay jeedisay xili  ay ka qeyb  gashay  kulan   ay soo  qabanqaabiyeen wasaaradda  tacliinta  iyo guddiga   dowlada  dhexe  u qaabilsan waxbarashada jaamacadaha.

Amina Maxamad ayaa  ku nuuxnuuxsatay  in  jaamacadaha  dowliga ah  looga fadhiyo  inay   ardayda  fursad u siiyaan barashada  culuunta horseedi karta kobac dhaqaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *