Guddi Baaritaano ku Sameynaya Sonkorta Sharci Darrada ah oo la soo Magacaabay

Waxaa berri  oo jimco ah lagu wadaa in wargeyska dowlada  si rasmi ah loogu  daabaco  xubnaha guddi ka kooban 14  sarkaal   oo loo xilsaaray inuu baaritaano qota dheer ku sameeyo  sonkorta  kontarabaanka ah ee la sheegay in  goor sii horeysay wadanka la soo geliyay.

Guddigan  ayaa  howlaha loo igmaday bilaabi doono  12-ka bishan oo ku beegan isniinta soo socoto.

Hasa ahaate qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee galbeedka dalka ayaa durbaba ka soo horjeestay arrinkaasi.

Waxay ku doodayaan  in guddigu uusan sida habboon diiradda u saari doonin  dhibaatada jirta si loola xisaabtamo  dadkii wadanka soo geliyay  sonkor markii dambe tayadeeda laga  deyriyay.

Baarlamaanka dalka ayaa horay   dhinac isaga  dhigay warbixin   ay  si wadajir ah u soo saareen guddiyada   u qaabilsan    ganacsiga iyo arrimaha  beeraha taasi oo ay ka dhalatay eedeyn ah  inay laaluush qaateen.

Guddigan baaritaanada sameynaya ayaa waxaa hoggaamin doono  wasiirka beeraha  Mwangi Kiunjuri iyo barasaabka Kakamega   Wycliffe Oparanya.

Dhanka kale wasiirka  beeraha ayaa sheegay  inay khasab tahay   in baaritaano lagu sameeyo  dadka  ku andacoonaya inay dowlada  ku leeyihiin lacago la xariira sonkor ay ka iibiyeen.

Madaxweynaha dalka  Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maalmo ka hor wasaaradda ku amray  inay  beeraleyda  qasabka  ama sonkorta  siiso  2.6 bilyan oo ay  sheegeen inay dowladda ku leeyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *