Kenya: Booliska oo raadinaya dhaqtar been abuur ah oo faraxumeeya bukaanka

Ciidamada booliska ee dalka ayaa weli ku raad joogo Mugo Wa Wairimu oo lagu sheegay inuu yahay dhaqtar been abuur ah.
Waxaa lagu eedeyay inuu ka howlgalo xarun caafimaad oo aanan dowlada u diiwaangashanayn.
Sannadkii 2015-kii ayaa markii ugu horeysay ay soo shaac baxday inuu sido kale daawooyin siiyo haweenka bukaanka ah uu halkaasi taga kadibna uu kufsado.
Booliska magaaladatani Nairobi ayaa dadweynaha ka codsaday inay ku soo war geliyaan macluumaad kasta oo fududeyn karo in gacanta lagu soo dhigo eedeysanahan dhuumaaleysanaya.
Barnaamij dhawaan laga baahiyay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ee dalka ayaa soo bandhigay in ninkan uu sido kale gabdhaha iyo haweenka ka caawiyo inay iska soo ridaan carruurta ay sidaan ama uurka ay leeyihiin.
Dhanka kale waaxda dembi baarista ee dalka ayaa sheegtay in la xiray eedeysane labaad oo lala xariiriyay 3 milyan oo la xaday.
Ninkan oo la filayo in maanta maxkamada la soo taago ayaa magaciisa lagu sheegay Mr. George Gitau Maina.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *