Doorashada koonfur Galbeed oo la doonayo inay dhacda xiligii horay loogu asteeyay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay sidoo kalena ah Caasimadda KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo marxalada Cusub ee kusoo korortay doorashadda maamulka Koonfur Galbeed kadib markii ay inta badan xubnihii gudiga doorashada maalintii isniinta xilalkii iska casileen.
12 Xubnood oo ka haray guddigii qaban qaabada doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sii wadayaan Shaqadda loo igmaday,islamarkaana doorasho ay ku dhici doonto xilligii horay loogu tala galay ee ahayd 17 bishaan aan ku guda jirno.
15 xubnood ka mid ahaa Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa horay ugu dhawaaqay inay joojiyeen shaqaddii loo igmaday ka dib markii dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay fargalin ku heyso doorashadda maamulkaasi
Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin oo ka mid ah 12-ka xubnood ee ku haray guddigii qaban qaabada doorashada madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadda ay dhici doonto 17 Bishaan oo ah xilligii loo asteeyay markii hore ,islamarkaana aysan aqbali doonin in dib loo dhigo doorashadaasi.
Xildhibaan iftiin wuxuu ka digay dib u dhaca doorashada uu horseedi karo dhibaatooyin kale sidaas darteedna ay kalama amarmaan tahay meesha lagu gaaro 17 bisha November in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu yeesha madaxweyne Cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *