Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii looga qaaday Wasiiru Dowlihii wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkaas Abbo Aawow Suuf.
Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu ka sameeyay falal Anshax xumo ah oo ka baxsan hab maamuuska maamulka Koonfur Galbeed.
Abbo Aawow Suuf ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana uu si weyn uga soo horjeeday Madaxweynaha maamulkaasi sida ay wararku sheegayaa.
Kadib xilka qaadistiisa ayuu warbaahinta la hadlay wuxuuna sheegay inuusan jirin wax xil ah oo laga qaaday isagoo dhanka kale Tilmaamay in masuuliyadu ay tahay wax dadka ka dhexeeya balse uusan shaqsi gaar ah siduu rabo u maamuli Karin.
Isagoo intaasi ku daray in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu hada xilkiisu dhamaaday aysana suura gal ahayn inuu xilka qaadis sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *