Kenya: Golaha KNEC oo sheegay in la xiray 15 qof oo lala xariiriyay xatooyada imtixaanada

Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay 15 eedeysanayaal ah oo loo haysto inay isku dayeen qishka ama xatooyada KCSE-da.
Waxay doonayeen inay xarumaha lagu sameynayo imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare la galaan waxyaabo aanan la ogolayn.
Dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyay gobolada galbeedka dalka iyto Nyanza.
Bayaan ka soo baxay KNEC ayaa lagu sheegay in dadka la xiray ay ka mid yihiin maamulayaal iyo macalimiinta loo xilsaaray inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ardayda.
Waxaa bayaankaasi qeyb ka ah inuusan jirin arday arrinkaasi ku lug lahaaday ama ka faaiiday.
Imtixaanada qaran ee KCSE-da ee shalay si rasmi ah uga bilowday guud ahaan dalka ayaa waxaa sannadkan u fariisanaya 664,550 oo arday ah.
Dhanka kale golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa tacsi u diray qoysaska laba arday ah oo shalay ku geeriyooday ismaamulada Murang’a iyo Nyamira.
Waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda ayaa looga digay inay ku dhaqaqaan waxyaabo saameyn ku yeelan karo geedisocodka imtixaanada iyo mustaqbalka waxbarashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *