Xildhibaanadda Ijara oo abaalmarin la guddoonsiiyay

Waxaa abaalmarin heer qaaradeed ah la guddoonsiyay Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanadda laga soo doortay degaaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Haweeneydan ayaa lagu aqoonsaday kaalinta ay ka qaadatay u ololeynta xuquuqda dumarka ee maamul goboleedkaasi.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitarka ayay ku muujisay dareenkeeda ku aaddan abaalmarinta waxayna sheegtay inay ku faraxday oo ay u aragto mid lagu sharfay .
Abaalmarinta ay Safiya qaadatay waxaa lagu magacaabaa Continental Pride of African Women Accolades Award waxaana la guddoonsiyaa shakhsiyaadka wax ka bedela noolosha haweenka qaaradda.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa xildhibaanadda ugu hambalyeeyay abaalmarinta lagu guddoonsiiyay waddanka Namibia.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Safiya ay ku dayasho mudan u tahay gabdhaha iyo dumarka Garissa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *