Wasiiradda Waxbarashada Kenya oo Faahfaahin ka Bixisay Imtixaanada KCPE-da

Wasiiradda wasaaradda  tacliinta ee dalka Amina Maxamad ayaa maanta  warbixin ka soo saartay  imtixaanada qaran ee sannadlaha ah ee  loo  yaqaano KCPE-da.

In ka badan hal milyan oo arday ah ayaa sannadkan u fariistay  imtixaanka  fasalka sideedaad ee dugsiyada  hoose dhexe ee   KCPE-da.

Ardaydan ayaa doonaya in shahaado  la guddoonsiiyo  kadib sideed sano  oo ay wax baranayeen si ay ugu biiraan  dugsiyada sare ee dalka.

Amina Maxamad ayaa   shaaca ka qaaday in imtixaanka  uu si habsami  leh u qabsoomay   halka ay hoos u dhaceen falalka qishka ama xatooyada.

Sido kale waxay walaac ka muujisay tirade gabdhaha ee umulay iyagoo imtixaan qaran sameynaya  taasi oo  ay hoosta ka xariiqday in la doonayo  in xal loo helo.

Saddexdii maalmood ee ay imtixaanada socdeen waxaan ka war helnay arday inay  sara u  kacday tirade gabdhaha ee hooyooyinka noqday .  Hadii xaalku uu sidan yahay sannad kasta  wadanka waxaa uu wajahayaa  dhibaato aad u weyn. Sarakiisha qaabilsan  xaqiijinta tayada  waxbarasho waxaan ku amray inay maamulada kale la shaqeyaan  si ay u baaraan halka  ay dhibaatadan gaarsiisantahay  kadibna  ay igu soo wareejiyaan warbixin si aan tallaabada xigta u qaadno 

Dhan ka kale  xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa wacad ku  maray  in tallaabada habboon laga qaadayo  ragga uurka  u  yeela  gabdhaha yaryar ee dhigta dugsiyada dalka.

Arrintan  ayaa timid kadib markii  in ka badan 10 gabdhood ay umuleen  iyagoo sameynaya imtixaanada  fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.

Saaka ayaa waxaa iyadoo dugsiga ku wajahan umushay gabadh    ka mid ahayd  ardayda  dugsiga  hoose dhexe ee  ku yaalla  Makongo  ee ismaamulka  Kitui.

Dr.  Belio Kipsang ayaa  sheegay inaysan jirin cid  falkaasi geysata oo baxsan doono   xita hadii ay ku sugantahay  tuulooyinka .

Sido kale waalidiinta  iyo  dadka mas’uulka ka ah carruurta ayuu sheegay in xabsiga loo taxaabayo hadii ay caddaato inay qorshahaasi  qeyb ka yihiin.

Dhacdooyinka gabdhaha  umulay  iyagoo imtixaanka KCPE-da ee sannadkan sameynaya ayaa laga soo tabiyay ismaamulada   Nyeri,  kitui , Baringo  Mombasa, Nakuru  iyo qeybo ka mid ah  gobolka   Nyanza .

Xoghayaha ayaa  hoosta ka xariiqay in gabdhaha la doonayo in waxbarashada  fursad loo siiyo oo ragga aanan loo guurin sido kalena    laga hor tago falalka lagu faraxumeeyo ee saameynta ku yeesha  mustaqbalkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *