Sarakiisha EACC oo loo diiday inay baaraan guriga barasaabkii hore ee Nairobi

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta soo saartay  amar sarakiisha guddiga  anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  ee EAAC  looga  hor istaagayo inay sii wadaan  howlgalada la xariira musuqmaasuqa ee ay ka fulinayaan  guriga guddoomiyihii hore   ee Nairobi Dr. Evans Kidero.

Garsoore  Justice Hedwig Ongudi ayaa maanta  go’aamisay in EACC aysan sido kale  qiimeyn ku sameynin hantida Kidero.

Dr. Kidero   ayaa  guddigan ku eedeyay   inuu  dhibaateyn u geystay  taasina ay  saameyn dhaqaale ku yeelatay.

Amarka maxkamada waxaa qeyb ka ah  in guddigan uusan ilaa iyo toddobaadka xiga sameynin baaritaano ka dhan ah Kidero xiligaasi oo la dhageysan doono codsi uu soo gudbiyay.

Guddoomiyihii hore ee Nairobi ayaa iska fogeeyay  saddex  dacwadood oo lagu soo oogay oo ku saabsan musuqmaasuqa  kuwaaso  lagu sheegay  in lagu lunsaday  213 milyan oo shilinka dalka ah isagoo ugu dambeyn  lagu siidaayay   damiin lacageed oo ah  2 milyan oo shilin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *