In ka Badan 56,000 Qof oo Tahriibayaal ah oo la Waayay tan iyo Sannadii 2014-kii

Wakaalada wararka ee AP-da ayaa baaritaano ay sameysay ku sheegtay  in  tan iyo sannadkii 2014-kii   la waayay ama ay dhinteen ugu yaraan  56,800 qof oo isugu jiro qaxooti iyo  muhaajiriin.

Tiradan ayaa laba jibbaar ah midkii ay  horay u soo saartay hay’adda  socdaalka adduunka ee  IOM .

Hay’addan   ayaa intaasi ku dartay  in ilaa iyo 1-dii bishii hore ee Oktoobar    tahriibayaasha  u hayaamay dhanka  wadamada  qaaradda Yurub  ay gaareen 28,500

Gudaha Afrika oo keliya waxaa  tahriib ku mara ama ugu kala goosho in ka badan    16  milyan oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *