Maamulka NTSA oo liiska baabuurka dowlada u diiwaangashan ka saaray 7 shirkadood

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday in 7 shirkadood oo kuwa gawaarida ah laga saaray liiska dowlada u diiwaangashan.
Shirkadahan oo lagu eedeyay inaysan u hoggaansamin shuruucda wadooyinka ayaa lahaa baabuur ay dadweynuhu ku safraan.
NTSA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shuruucda aysan ilaalin shirkadahan ay yihiin kuwo gaadiidka ku saabsan oo la dejiyay sannadii 2014-tii.
Shirkadahan ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Molo Shuttle Sacco, , Nairobi Kiruline ,Gakanango Sacco,Nairobi’s Hannover Commercial Enterprise , Peja Travellers iyo New Lowland Sacco
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA ayaa dadweynaha ku boorisay inaysan ku safrin baabuurta 7-da shirkadood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *