25 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in 25 qof ay dhinteen kadib markii ay burburtay diyaarad uu leeyahay militariga wadankaasi.
Afhayeen u hadlay kooxda ka dagaalanto gudaha wadankaasi ee Taalibaan ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay soo rideen.
Dhanka kale toddobo qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo laga fuliyay magaala madaxda Afghanistan ee Kabul.
Falkaasi ayaa lala eegtay bas ay saarnayeen qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada wadankaasi.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan , Najib Danish ayaa sheegay inuu qof isa soo miidaamiyay isku qarxiyay meel u dhow xabsiga ugu weyn ee Kabul.
5 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa lala eegtay gawaarida ka soo dhaqaaqday meel u dhow xabsiga Pul-e-Charki .
Illaa iyo hadda ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo imaanaya maalmo un kadib markii mid kale uu ka dhacay iridda xarunta guddigga doorashooyinka ee dalkaasi kaasi oo lagu dilay ugu yaraan hal qof ,6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *