Kenya oo dhanka maamul wanaagga Afrika ka gashay nambarka 11-aad

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Mo Ibrahim Foundation ayaa lagu sheegay in Kenya ay liiska wadamada hoos taga qaaradda Afrika kaga jirto nambarka 11-aad marka la eego maamul wanaagga.
Wadamada tobankii sano ee ugu dambeeyay horumar ka gaaray dhanka maamul wanaagga ayaa lagu kala sheegay Morocco iyo Côte d’Ivoire .
Kenya ayaa horay liiskan uga jirtay nambarka 19, Morocco waxay ahayd nambarka 25-ad hadana waa 15 halka Côte d’Ivoire oo horay u gashay tirada 41 ayaa kor u soo kacday oo noqotay 22.
Warbixintan ayaa ah midii 12-aad oo ay soo saarto hay’addan oo si gaar ah u eegto ku dhaqanka waxyaabaha aasaska u ah maamul wanaagga.
Sido kale Kenya ayaa horumarka dhinaca dhaqaalaha ka gashay nambarka 8-aad halka wadamada qeybtaasi ugu horeeya ay kala yihiin Mauritius, Rwanda iyo Morocco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *