Ethiopian Airlines oo 40 sano kadib bilaabaysa duulimaadka Muqdisho iyo Adis-ababa

Shirkada Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso Duulimaadyo toos ah oo u kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, mudo 40 sano ah kadib si sare loogu qaado Isku socodka dhanka duulimaadka ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Shirkadda diyaaradaha Ethipian Airlines ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 2-da bisha November ee sanadkaan ayay si rasmi ah diyaaradaas u bilaabi doonto duulimaad Muqdisho ah, waxaana Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ay shaaciyeen in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ka dhexeeya.
Maamulka Shirkadda Diyaaraddaha dalka Ethopia ayaa sheegay in todobaadkiiba saddex maalin ay sameyn doonaan duulimaad toos ah oo Muqdisho iyo Addis Ababa ay ku tagayaan.
Maalmaha duulimaadku uu baxayo ayaana lagu sheegay Isniin, Arbacada iyo Jimco.
Ethiopian Airlines ayaa hadii ay bilowdo duulimaadkeeda tooska ah ee Muqdisho iyo Adis-abab waxay noqon doontaa shirkadii 3-aad oo duulimaad caalami ah ku tagta magaalada Muqdisho,waxaa ka horayay shirkadaha diyaaradda Turkish Airlines iyo Air Jabuuti oo duulimadyo caalami ah ka sameeya magaalada Muqdisho.
40 sano ka dib ayuu dib u bilaabanayaa Duulimaadkii Muqdisho ee shirkadaa, waxayna qayb ka tahay dadaalada ku aadan xiriirka dalalka geeska ee soo wanaagsanaanaya.
Dowladda Itoobiya oo doonaysa inay kordhiso dhaqaallaha dalkeeda ayaa dhawaan sheegtay inay maalgashi ay ku sameynayso Saddex ka mid ah dekadaha Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan koboca dhaqaalah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *