Maxkamad ku taalo Baxrayn oo 7 qof ku xukuntay xabsi

Maxkamad ku taallo wadanka Baxrayn ayaa lagu soo waramayaa inay xabsi daain ku xukuntay 5 qof halka 6 kalena ay dhalashada ama jinsiyadda kala laabatay.
Eedeysanayaashan ayaa lagu helay dembi ah inay sannadkii hore weerar ka geysteen goob ay ku taallo duun shidaal.
5 qof ayaa la xiray xabsi daain, mid waxaa lagu xukumay 10 sano kan kalena 5 sano oo xarig ah sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Baxrayn ee (BNA) .
Waxyaabaha kale ee eedeysanayaashan lagu soo oogay waxaa ka mid ah inay soo dhiseen urur argagixiso sido kalena ay tababaro qaateen iyagoo adeegsanaya Hub iyo walxaha qarxa.
Tan iyo sannadii 2011-kii, Baxrayn ayaa dhalashada kala noqotay sido kalena xirxirtay boqolaal ka mid ah muwaadiniinteeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *