3 qof oo loo xiray afduub xalay laga geystay xaafadda Islii

Waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da ayaa barteeda rasmiga ah ee twitarka ku soo qortay in maanta maxkamada la soo taagayo 3 qof oo lala xiriinayo afduub xalay ka dhacay xaafadda islii ee deggaanka Kamukunji ee magaaladatani Nairobi.
Eedeysanayaashan ayaa waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan militariga wadanka ee KDF-ta iyo arday dhigta jaamacadda Methodist.
Sido kale laamaha amaanka ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay saddex qof oo dadkan iyaga ah ay kaxeysteen kadib markii aysan bixin 5000 oo shilin oo madax furasho ah.
Taliyaha booliska ee Nairobi ,Joseph Ole Tito ayaa carrabka ku dhuftay in eedeysanayaasha ay saddexda qof ku kaxeysteen baabuur si gaar ah loo leeyahay halka eheladooda ay ka dalbadeen inay lacag bixiyaan si loo siidaayo.
Waxaa uu taliyuhu intaasi ku daray in dadka falkaasi lala xiriiriyay ay ahayeen 5 qof hasa ahaate ilaa iyo hadda lagu guuleystay in la soo xiro saddex ka mid ah.
Mr. Tito ayaa sido kale sheegay in boolisku lagu wargeliyay dhacdadaasi kadibna howlgal ay ka sameyeen xaafadda Section 3 ay dadkaasi ku soo qabqabteen.
Axaddii ayay ahayd markii isla xaafadaasi lagu qabtay sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka oo uu fadhigiisu yahay ismaamulka Wajeer kadib markii lagu eedeyay inuu sitay xub sharci darro ah .
Sido kale waxaa horay xabsiga loogu taxaabay sarkaal boolis ah oo lala xiriiriyay afduub kale oo ka dhacay xaafadda Kayole ee magaaladatani Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *