Kulan ku saabsan imtixaanada qaran oo maanta qabsoomaya

Wasiiradda wasaaradda tacliinta ee dalka Amina Maxamad ayaa lagu wadaa inay maanta guddoomiso kulan heer sare ah oo looga arrinsanayo imtixaanada qaran ee dhawaan ay ardaydu u fariisanayaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya sidii aysan u dhici lahayn dhacdooyinka xatooyada ama qishka.
Shirkan oo lagu qabanayo dugsiga dowlada ee KSG ayaa waxaa ka soo qeyb galaya ku dhawaad 1,000 sarkaal oo ka tirsan wasaaradaha tacliinta iyo arrimaha gudaha.
Sarakiishan waxaa ka mid ah agaasimayaasha tacliinta ee degaanada iyo ku xigeenada guddoomiyaasha dowlada dhexe u qaabilsan degaan baarlamaneedyada dalka.
Waxaa si rasmi ah loogu wareejinaya furayaasha 459 konteeynara ah oo ay ku jiraan imtixaanada.
Sido kale waxaa la filaya inay kulankan ka qeyb galaan xubnaha guddiga adeegga macalimiinta ee TSC iyo golaha imtixaanada qaran ee KNEC.
Amina Maxamad ayaa kenyaanka u ballanqaaday in ammaanka si weyn loo sugi doono sido kalena warqadaha imtixaanada la geynayo xarumaha kala duwan xiliga loogu talagalay.
Warbixin ay baarlamaanka u gudbisay ayay Amina Maxamad ku sheegtay in sannadkan wiilal dhan 531,548 ay u fariisanayaan imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da halka tirada gabdhaha ay tahay 529,155.
Imtixaanada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da waxaa sameyn doono 341,089 wiilal ah halka gabdhahana ay gaarayaan 323,498 .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *