Madaxweynihii hore ee Puntland oo sheegay inay ku dadaalayaan xal ka gaarida khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada

Senetor C/raxmaan Maxamed Maxamuu Faroole oo ka tirsan aqalka saree e Soomaaliya sidoo kalena horay u soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen kulamadii ay la lahaayeen masuuliyiinta maamulka Puntland ee looga hadlayay khilaafka kale dhexeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya.
C/raxmnaan Faroole ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay isku soo dhawaadnaan labada dhinac sidoo kalena la xaliyo waxyaabaha la kala tabanaayo,maadaama ay muhiim tahay in lawada shaqeeyo dhinac kastana uu tanaasul sameeyo si looga gudbo madmadowga hada jira.
Senetor Faroole ayaa sheegay in madaxda maamulka Puntland ay ka dhagaysteen cabashooyinkooda maalmaha soo socdana aya soo saari doonaan qoraal rasmi ah oo ay ku faah faahinayaan natiijooyinka ka soo baxay kulamadii ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa hada dadaal ugu jira inuu xal ka keeno waxyaabaha ay tabanayaan maamul goboleedyada oo kal hore sheegay inay hakiyeen wada shaqayntii kala dhexaysay dowlada dhexe maadaama ay waxyaabo badan cabashooyin ka muujiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *