Xildhibaankii hore ee degaanka Lugari oo maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta la filaya in maxkamada uu ka soo hormuuqdo mudanihii hore ee degaan baarlamaneedka Lugari ee ismaamulka Kakamega, galbeedka dalka Mr. Cyrus Jirongo oo loo haysto inuusan bixin deyn dhan 20 milyan oo shilin.
Ku xigeenka taliyaha booliska ee caasimadda dalka Mr. Richard Kerich, ayaa sheegay in Mr. Jirongo lagu xiray saldhiga booliska ee Muthangari ka hor inta aan maanta maxkamada la geynin.
Bishii sideedaad ee sannadkan ayay ahayd markii la soo saaray warqad lagu soo xirayo Jirongo kadib cabasho ka timid ganacsade lagu magacaabo Brian Yongo oo ku andacoonaya in musharaxan hore ee madaxweyne uu deeymiyay hasa ahaate uusan weli u gudin.
Mr. Yongo ayaa sheegay inuu Mr. Jirongo siiyay deyn lacageed oo dhan 25 milyan oo shilin intii u dhexeysay 2014 -2015-kii in kastoo uu u celiyay 5 milyan oo keliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *