Kenya: Siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan oo kulamo hor dhac ah yeelanaya

Waxaa galinka dambe ee maanta la filaya in xildhibaanada baarlamaanka ay yeeshaan kulan ku saabsan qiimaha canshuurta shidaalka ee uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta soo jeediyay in laga dhigo boqolkiba 8 halka horay qorshuhu uu ahaa boqolkiba 16.
Kulankan ka hor ayaa waxay siyaasiyiinta dalka ka qeyb galayaan shir xisbiyeed ka dhacaya madaxtooyada dalka ee State House iyo daarta Orange house ee xisbiga ODM.
Xildhibaanada ka tirsan maamulka talada haya ee jubilee ayaa ku shiri doono madaxtooyada halka kuwa xubnaha ka ah garabka mucaaradka ay isugu tagayaan xarunta dhexe ee ODM ee magaaladatani Nairobi.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee labada dhinac ay wacad ku mareen inaysan u hoggaansami doonin soo jeedinta Mr. Kenyatta.
Senetarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa mudanayaasha ugu baaqay inaysan ka laaban go’aan ay maalmo ka hor soo saareen.
Sido kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo muujiyay dareenkooda ku aaddan qiimaha canshuurta ee shidaalka ee la doonayo in la dhimo ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaanada golaha qaran ee sharci dejinta ay muddo laba sano ah dib u dhigeen in la dhaqangeliyo qiimaha cusub ee ah boqolkiba 16 kaasoo lagu tallaba qaaday 1-dii bishan sagalaad.
Dhaqangelinta qiimahan cusub ayaa waxaa ka dhashay walaac iyo cabasho ay muujinayeen shacabka kenyaanka ah gaar ahaan gaadiidleyda.
Qaar ka mid ah shirkadaha baarbuurta u kala goosho xaafadaha iyo degaanada kala duwan ayaa durba ku daray qiimaha nooliga ee ama qarashka lagu raaco gawaarida.
Hasa ahaate jimcihii ayuu hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Mr. Kenyatta arrinkaasi ka soo horjeestay.
Tallabada uu Mr. Kenyatta qaaday ayaa waxaa soo dhaweeyay Kenyaanka qaar iyo siyaasiyiin in kastoo ay jiraan kuwo doonaya in gebi ahaanba qiimahaasi canshuurta meesha laga saaro.
Sido kale shacabka Kenyaanka ah ayaa dareenkooda ka dhiibtay miisaaniyad uu madaxweynaha soo jeediyay in laga dhimo waxyaabo ay ka mid tahay sanduuqa horumarinta degaanada ee loo yaqaano CDF-ta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *